Faysal Cali-waraabe oo weeraray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland

Hargeysa -(Berberanews)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali-waraabe, ayaa markii ugu horreysay si toos ah u weeraray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Distooriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo uu ku eedeeyey in aannu daacad ka ahayn dacwadda xeerka furista ururrada siyaasadda ee haatan hortaal.
Eng. Faysal waxa uu ku dooday in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu dacwadda muranka ka taagan xeer 14 ujeeddo kale ka leeyahay.
“Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, dacwadda uu qaaday waxaanu u aragnaa inuu xeelad kale u qaaday, ee aanu sharci u qaadin,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa maanta.
Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI, ayaa si weyn uga soo horjeestay tallaabo ay 46 xildhibaan oo ka mid ah 82ka mudane ee Golaha Wakiillada Somaliland ka kooban yahay ugu gudbiyeen Maxkamadda Sare ugu gudbiyeen, in ay tafsiir sharci ka bixiso qodobbo ka mid ah xeerka furista ururrada siyaasadda oo laysku khilaafasan yahay.
Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Distooriga ee Somaliland ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda go’aan ka soo saarto dacwadda xeerka furista ururada siyaasadda, kaas oo  si weyn loogu wada dhegtaagayo.