Taiwan $1 bilyan oo dayn ah ku maalgelinaysa Lithuania xili uu jiro cadaadiska Beijing

Taiwan-(Berberanews)-Taiwan ayaa bilaabi doonta barnaamij deyn ah oo dhan 1 bilyan oo doolar si ay uga caawiso maalgelinta mashaariicda wadajirka ah ee ka dhexeeya shirkadaha Lithuania iyo Taiwan lix qaybood oo ganacsiga ah sida uu maanta sheegay wasiir ka tirsan xukuumadda Taiwan.

Lithuania ayaa cadaadis kala kulmeysa Shiinaha oo ku andacoonaya in Taiwan ay si dimuqraadi ah u xukuntay in ay tahay dhul u gaar ah, si ay uga laabato go’aankii sanadkii hore ay ugu ogolaatay jasiiradda in ay safaarad (ismaamuleed) de-facto ah ka furato Vilnius iyada oo magaceeda sidata.

Shiinaha ayaa hoos u dhigay xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeyay Vilnius, waxaana ay ku cadaadinayaan shirkadaha sida jarmalka qeybihiisa baabuurta ee Continental (CONG.DE) in ay joojiyaan isticmaalka walxaha lagu sameeyo Lithuania. Waxay sidoo kale xannibtay shixnadaha Lithuania ee soo galaya Shiinaha.

Taiwan ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday qorshe ay ku samaynayso sanduuq gaar ah oo dhan $200 milyan si ay ugu maal-galiso warshadaha Lithuania iyo kor u qaadida ganacsiga laba geesoodka ah iyada oo isku dayaysa in ay iska ilaaliso cadaadiska diblumaasiyadeed ee Shiinaha ee gobolka Baltic.

“Maalgashiga iyo lacagaha deynta ayaa naga caawin doona xoojinta iskaashiga,” Wasiirka Golaha Horumarinta Qaranka Taiwan Kung Ming-hsin ayaa u sheegay shir jaraa’id oo online ah.

Sanduuqa deynta ayaa diiradda saari doona horumarinta kartida semiconductor iyo fududeynta horumarinta semiconductor, iyo sidoo kale bayotechnoolajiyada, satalaytka, maaliyadda iyo cilmi baadhista sayniska, ayuu yidhi Kung.

Wasiirka dhaqaalaha iyo hal-abuurka ee Lithuania Ausrine Armonaite ayaa sheegtay in wadankeedu uu qorsheeyay in uu xafiis ganacsi matala ka furo Taiwan guga.
“Shirkadaha Taiwan waxay u baahan yihiin mashruucyo laser ah, waxaan rajeyneynaa in shirkadahayada laser-ka ah ay dhowaan ka heli doonaan la-hawlgalayaasha Taiwan, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan fududeyno iskaashiga,” ayay tidhi.

Wakiilada Taiwan ee dalalka kale, marka laga reebo Somaliland oo aan la aqoonsan, waxa loogu magac daray caasimadda Taiwan ee Taipei.

Diblomaasiyiinta Mareykanka ayaa taageero xooggan u muujiyay Lithuania, iyagoo ku tilmaamay cadaadiska Shiinaha “qasab dhaqaale”.

Berberanews.com
Info@berberanews.com