Madaxweynaha Somaliland oo safar muhiim ah ku tegaya dalka Maraykanka

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa safarkiisii ugu horreeyey intii uu xilka hayey ku tegaya dalka Maraykanka bisha March ee soo socota.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday safar muhiimad weyn xambaarsan oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Biixi ku tagi doono dalka Maraykanka bisha saddexaad ee sannadkan.
Wasiir Kayd oo safaradiisii u dambeeyey xog ka siinayey mudanayaasha Golaha Wakiillada ka hor intii aanay cod aqlabiyad ah ku ansixiyey maanta, waxa sheegay in safarka Madaxweynaha Somaliland ku tegayo dalka Maraykanka ay soo agaasimeen weftigii ka socday shaqaalaha Aqalka Koongaraska America ee socdaalka ku yimi Somaliland dhowaan.
“Safarkaygii Washington kadib waa kuwii inoo yimi weftigii Maraykanka ahaa, weftigiina waxay keeneen in aniga iyo madaxweynuhu maalin dhow aannu kulan la yeelan doono madaxda Machadka Heritage Foundation, taasina ay sii xaadhi doonto safar loo qabanqaabiyey in Madaxweynaha Somaliland uu ku tago waddanka Maraykanka bisha March ee sannadkan 2022,” ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Xidhiidhka Somaliland iyo dawladda Maraykanka, ayaa dad badan oo siyaasadda falanqeeyaa waxay aaminsan yihiin in uu isku beddeli karo xidhiidh adag oo dhab ah, waxana jira xildhibaanno ka tirsan Koongaraska Maraykanka oo dabada ka riixaya in Washington xidhiidh dhinaca ammaanka ah la yeelato Jamhuuriyadda Somaliland oo ka madaxbannaan Soomaaliya.
Waxa jira qaybo ka mid ah warbaahinta caalamka iyo diblomaasiyiin bilihii u dambeeyey qorayey in  xidhiidhka Somaliland uu  Maraykanka ka caawin karo in uu ishortaago isballaadhinta dawladda Shiinaha ee qaaradda Afrika.