Ciidammada Eritrea oo lagu eedeeyey inay weerar cusub ku qaadeen Gobolka Tigray

Maqalle  -(Berberanews)- Kooxaha mucaaradka Tigreega ee ku sugan gobolka woqooyiga ee dalka Itoobiya, ayaa ku eedeeyey waddanka dariska la ah ee Eritrea inay ku soo qaadeen weerar cusub.
Afhayeenka Jabhadda Wax iska Caabbinta ee Dadka Tigreega, Getachew Reda, ayaa baraha bulshada ku soo gudbiyey qaylodhaan la xidhiidha in dagaalyahannadooda lagu soo qaadey weerar cusub oo kaga yimi dhinaca dalka Eritrea.
Arrintan ayaa imaneysa maalmo kadib markii dagaalyahannada Tigreega ay dib uga gurteen gobollada kale ee Itoobiya, isuguna tageen gobolkooda.
Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa u sheegay warbaahinta dawladda dabayaaqadii toddobaadkii hore, in ciidammada dalkiisu ka hortagayaan weerar iyo halis kasta oo kaga imaneysa dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya, oo ay ka jirto xasillooni darro.
Ciidammada Eritrea ayaa ka barbar dagaallamayey kuwa Itoobiya, markii xukuumadda Addis Ababa weerarka ku qaadday Gobolka Tigray bishii November ee sannadkii 2020-kii.
Dagaalkii waqtigaas bilaabmay, ayaa markii dambe u xuubsiibtey dagaal sokeeye.
Dawladaha Itoobiya iyo Eritrea midkoodna kama jawaabin eedeymaha loo soo jeediyey.