Somalia: War murtiyeed kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho-(Berberanews)-Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shirkooda kasoo saaray War murtiyeed ka kooban 18 qodob oo dhamaantood quseeya arrimaha doorashada.

War murtiyeedka Golaha Wadatashiga qaran kasoo baxay waxaa ka mid ahaa qodobadiisa in la cadeeyay waqtiga doorashada Golaha Shacabka loogu talogalay in lagu soo gabagabeeyo oo ay ku sheegeen 15-ka bishaan January ilaa 25-ka bisha soo socota ee February.

Waxaa sidoo kale qodobada ka mid ahaa arinta amniga oo la sheegay in ciidamada AMISOM ay xoojinayaan amniga madaxtooyada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso War murtiyeedka oo Faahfaahsan.