Ethiopia oo xabsiyada dhigtay Kumannaan Tigree laga soo tarxiilay Sucuudiga

Ethiopia-(Berberanews)-Kumanaan ka tirsan qowmiyadda Tigrayga ee laga soo celiyay Sacuudiga ayaa la xidhay ama si qasab ah lagu waayay kaddib markii ay dib ugu laabteen dalkooda Itoobiya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch (HRW).

Eedeymaha ay HRW faah faahisay Arbacadii ayaa dhacay intii lagu jiray iskahorimaad bahalnimo oo ka dhex qarxay ciidamada dowladda federaalka iyo dagaalyahanno ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray bishii Nofembar 2020, kaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof ayna ka tageen dhibaato bini’aadanimo oo aad u weyn.

Dowladda Itoobiya, oo bishii Nofembar ku dhawaaqday lix bilood oo xaalad degdeg ah, ayaa dafirtay in dadka Tigreega ah ee asal ahaan ka soo jeeda qowmiyadda ay ka soo horjeedaan.
Waxay sheegtay in dadka lagu tuhunsan yahay inay taageerayaan ciidamada Tigrayga, oo bishii hore dib ugu laabtay gobolkooda, la baadhayo.

Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Itoobiya ayaa ku qiyaastay in kumannaan qof lagu qabtay hawlgallada.

HRW waxay warbixinteeda ku sheegtay in dadka Tigreega ah ee laga soo celiyay Sucuudiga, halkaas oo boqolaal kun oo Itoobiyaan ahi ay sannado badan u haajireen si ay shaqo u raadsadaan, kuwaas oo si gaar ah loogu xidhay caasimadda Addis Ababa iyo meelo kale.

Berberanews.com
Info@berberanews.com