Warbixin iftiimisay in Shiinuhu kaga guulaystay Mareykanka dagaalka Itoobiya

Addis Ababa  -(Berberanews)- Mareykanka ayaa beddelaya ergaygii gaarka ahaa ee Geeska Afrika, sanad kaddib markii dagaallo qaraar oo uu dhiig ku daatay ay ka dhaceen dalalka Itoobiya iyo Suudaan.

Jeffrey Feltman ayaa xilka ka degi doona “maalmaha soo socda.”
Feltman ayaa qorsheynaya inuu banneeyo xilka wax yar kaddib markii uu booqasho ku tegay Itoobiya oo muddo snanad ka badan oo uu dagaal ka socday gobolka Tigray ay ku dhinteen tobnaan kun oo qof.

Diblomaasigan Mareykanka ka socda ayaa shalay la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
David Satterfield oo ah safiirka Mareykanka ee Turkiga ayaa xilkaasi la wareegi doona, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken.
Blinken ayaa sheegay in waaxdiisu qorsheyneysay in Feltman uu ergayga gaarka ah ee dalalkaas sii ahaado wax ka yar sannad, isagoo intaas ku daray inuu sii wadi doono doorkiisa la talineed.
Satterfield oo ah ruug-caddaa muddo 40 sanno ah ka shaqeynayay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka, ayaa wuxuu ahaa safiirka USA ee Turkiga, halkaas oo uu dhexdhexaadiye ka ahaa xidhiidhka xumaaday ee labada dal ee xulafada la ah NATO.

Geesta kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda Beijingay degdeg u soo magacaabi doonto ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika si uu gacan uga geysto xallinta dagaallada uuna “u taageero ammaanka iyo badhaadhaha.”

Arrintan ayuu kaga dhawaaqay xilli uu 6-dii bisha booqasho rasmi ah ku joogay Kenya.
Wasiirka ayaa dalalka Geeska Afrika ugu baaqay inay mustaqbalkooda iyaga ka fekeraan.
Wang ayaa booqasho ku joogay Eritrea iyo Kenya tan iyo 4-tii bisha, maanta ayuuna jasiiradda Comoros ku soo gabagabeyn doonaa booqashadiisa Afrika.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in xidhiidhka dalkiisa ee Shiinaha “uu yahay iskaashi saaxiibbo wada shaqeynaya si loo gaadho koboc dhaqaale.”

Maamulka Madaxweyne Biden ayaa ku cadaadinaya muwaaddiniinta Mareykanka ee Itoobiya inay isaga tagaan dalkaas, isla markaana maamulkiisa uu caawinaad dib u dejin ah u sameynayo dadka aan awoodin tigidhka diyaaradda.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi ayaa amarkii uu booqashada ku joogay Addis Ababa wuuxu caddeeyay in Shiinuhu uu si buuxda u taageerayo dawladda Itoobiya. Tan ayaa ka duwan hannaanka Mareykanka oo cunaqabateyno ku soo rogay Itoobiya, balse kuma aannu ku soo rogin dagaalyahannada Tigray.

Labada dal ayaa u muuqda qaar si weyn isugu haya siyaasadda Itoobiya, iyadoo midna uu cunaqabateyn ku soo rogay, midna uu taageero u fidinayo dawladda Itoobiya.

Yaa kale oo ku hardamaya Itoobiya?

Iyadoo xidhiidhka dawladda Itoobiya ee Mareykanka iyo Midowga Yurub uu sii xumaanayay, ayaa waxay dawladdu bilowday inay raadiso xulafo kale si ay cagta u mariso dagaalyahannada TPLF.

Mareykanka ayaa dhowaan cunaqabateyn saaray Itoobiya, isagoo ku eedeynaya “meel ka dhac baahsan oo xuquuqda aadanaha ah.”

Kjetil Tronvoll oo ah professor daraasaadka dagaalka ka dhiga jaamacad ku taalla Norway ayaa sheegay in tani ay horseedday in Itoobiya ay diiradda meel kale saarto.

“Dawladda Itoobiya waxay dareemeysaa inay ka maarmi karto Galbeedka – ayna hub ka heli karto Iiraan, Turkiga iyo Shiinaha, sidoo kalena deymo ka qaadan karto Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, ayna garab difaac ka helo karto Ruushka iyo Shiinaha,” ayuu yidhi, isagoo farta ku fiiqay in labadan dal ee ugu dambeeya ay diideen soo jeedinta Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ee ah in qaraar laga gaadho dagaalka sokeeye.

Waxa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Shiinaha uu hub u qeybinayo ciidammada Itoobiya ee ENDF, waxana ka mid ah hub isugu jira kuwa dhexe iyo kuwa riddada dheer.
Iiraan ayaa sidoo kale la sheegay inay diyaaradaha dagaalka ee Muhajer-6 ay siisay dowladda Itoobiya,, waana isla hubka uu ururka Iiraan taageerto ee Xisbullaah u adeegsaday Suuriya.
Imaaraadka Carabta ayaa iyaduna hore diyaaradaha dagaalka iyo qaar ka mid ah hub Israa’iil lagu sameeyey u siisay Itoobiya, waxana hubkaas ka mid ah nooca Wing Loong ee Shiinaha lagu sameeyey.

Shiinaha ayaa u muuqda mid doonaya inuu meesha ka saaro Imaaraadka Carabta – oo loo arko inuu Mareykanka taageero – isagoo kaashanaya Iiraan.

Dagaalka Itoobiya ayaa waxaa dhowaan ku gacan sarreeyay ciidammada dawladda, oo toddobaadyo ka hor u muuqday kuwo laga adkaaday, markii ciidammada TPLF ay qiyaastii 209km u jirsadeen caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Dhanka kale, kumannaan Itoobiyaan ah oo ku nool Mareykanka, ayaa qaar ku hor bannaanbaxayay bannaanka Aqalka Cad, iyagoo ka careysan in Mareykanku uu la saftay TPLF.
Mareykanka ayaa sheegay inuu gacan ka geystay dhexdhexaadinta labada dhinac, isagoo u maraya dalalka Afrika.

Balse dhexdhexaadintaasi ma ahayn mid midho dhashay, sababtoo ah Itoobiya ayaa la sheegay inay wadahadalladaas u arkeysay mid loogu qasbayo inay faraha ka qaaddo gobolka Tigray, iyadoo ku beddelaneysa in dagaalka la soo afjaro.

Mareykanka ayaa sheegay inuu dhexdhexaad ka yahay arrinta Itoobiya, balse maamulka Biden ayaa 17-kii September cunaqabateyn saaray xubno Itoobiyaan ah, isagoo sidoo kalena 12-kii November cunaqabateyn ku soo rogay saraakiil iyo shirkado Eritrean ah.

Haddii Itoobiya ay ku guuleysato amaba ay si buuxda gacanta ugu qabato Tigray, waxa loo arki doonaa dalka ugu awoodda badan Geeska Afrika.

Ka hor dagaalkii Tigray, Itoobiya waxay ka mid ahayd dalalka ugu kobaca dhaqaalaha badan, iyadoo maalgashan jirtay dhismaha iyo waxbarashada. Haatan dhaqaalaha Itoobiya ayaa ka soo guuraya dhanka beeraha una weecanaya warshadaha.

Haddii ay Itoobiya Masar kaga guuleysato biyo-xidheenka ay ka dhiseyso Webiga Nile, waxay noqon doontaa isha ugu weyn Afrika ee tamarta biyaha laga dhaliyo. Tna iyo sannadkii 2000, Shiinaha ayaa mashaariicda Itoobiya ku maalgashanayay 12 bilyan oo doollar.