Somaliland oo heshiis la gashay Hay’ad tobabarta ciidammada qalabka sida

Wararka ka imanaya Deutsche Welle, Patrick Heinisch iyo wargeyska Africa Intelligence ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Abdiqani Maxamuud Aateeye iyo Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka Somaliland Gen.Nuh Ismaaciil Taani ay heshiis la galeen shirkadda Adam Smith International.

Sida uu sheegay wariye kale oo lagu magacaabo Gibson David, ayaa Adam Smith International oo fadhigeeda uu yahay magaalada London, waxa ay gacanta ku hayn doonaan dib u habaynta ciidammada Somaliland.

Warkan oo soo shaac baxay 3 saac ka hor, maanta oo ah January 7, ayaa wixii ku soo kordha aan soo gudbin doonaa.

Axmed Adan