Roobab ka da’ay Iran oo dhaliyay Khasaare dhimasho iyo maalba isugu jira

Iran-(Berberanews)-Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay daadad ka dhacay koonfurta Iran sababo la xidhiidha roobab mahiigaan ah oo la filayo in ay socdaan ilaa dabayaaqada todobaadkan, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.

“Kadib fatahaadihii iyo roobabkii dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka da’ayay gobollada koonfureed ee dalka, waxaan aragnay koror dhimasho iyo dhaawac,” ayuu yidhi afhayeenka adeegga badbaadada qaranka Mojtaba Khaledi, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka dowladda ee IRNA.

Ilaa hadda 8 qof ayaa dhintay labana waa la la’yahay,” ayuu yidhi Khaledi oo intaas ku daray in 14 kale ay ku dhaawacmeen.

Shan ka mid ah dhimashada ayaa ka dhacday gobolka Fars, sida uu wakaaladda wararka ee dowladda u sheegay sarkaal ka tirsan maamulka deegaanka Rahim Azadi.

Mas’uul maxalli ah ayaa sheegay Isniintii in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen daadad ka dhacay gobolka. Roobab xooggan ayaa wax yeeleeyay “beeraha, kaabayaasha dhaqaalaha, guryaha magaalooyinka iyo miyiga”, ayuu yidhi Azadi.