Xuutiyiinta Yemen oo Badda cas ka qafaashay Markab Imaaraadku leeyahay

Yemen-(Berberanews)-Dagaalyahannada Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay qabteen markab uu ka babanaaya calanka Imaaraadka Carabta oo marayay badda cas, iyaga oo sheegay in uu sido “sahay ciidan” ka dib markii xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ay kooxda hubaysan ku eedeeyeen “budhcad-badeed”.

Markabkan ayaa ” fasax la’aan ku soo galay biyaha Yemen” meel u dhow xeebta Xudeydah, waxaana uu fulinayey “falal cadawtinimo ah”, afhayeenka milatariga Xuutiyiinta Yahia Saree ayaa sidaas ku sheegay bartiisa Twitter-ka Isniintii maanta.

Qabashada Rwabee waxay calaamad u tahay weerarkii ugu dambeeyay ee Badda Cas, oo ah waddo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah iyo shixnadaha tamarta.

Eraygii ugu horreeyay ee qabsashada Rwabee wuxuu ka yimid hawlgallada ganacsiga badaha ee millatariga Ingiriiska ee Boqortooyada Ingiriiska, kaas oo kaliya ayaa sheegay in weerar lagu badhtilmaameedsaday markab aan la magacaabin saqdii dhexe ee xalay.

Saacado ka dib, bayaan ka soo baxay isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga, oo ay baahisay warbaahinta dowladda ee Boqortooyada Sacuudiga, ayaa lagu qiray weerarka, iyagoo sheegay in Xuutiyiinta ay geysteen fal “budhcad-badeed hubeysan” oo ku lug lahaa markabka.

Isbaheysiga ayaa sheegay in markabka uu sido qalab caafimaad oo ka yimid isbitaal la burburiyay oo Sucuudigu ku yaala jasiirada Socotra.

“Xuuthiyiinta waa in ay si degdeg ah u sii daayaan markabka, haddii kale ciidamada isbaheysiga waa in ay qaadaan dhammaan tallaabooyinka iyo hababka lagama maarmaanka ah si ay ula tacaalaan xadgudubkan, oo ay ku jiraan isticmaalka xoogga,” Brigadier-General Turki al-Malki ayaa ku yidgi hadal uu soo saaray.

Berberanews.com
Info@berberanews.com