KULMIYE oo si adag uga jawaabay hadal  WADDANI ku difaacay Madaxweynaha Somaliya

Hargeysa  -(Berberanews)- Afhayeenka xisbul-xaakimka talada Jamhuuriyadda Somaliland haya ee KULMIYE Mr. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa si adag uga ka jawaabay eedaymo uu Guddoomiyaha guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Somaliland oo uu ku eedeeyey inuu ku kacay sharci jabin.
Afhayeenka KULMIYE, waxa uu ixtiraam-darro iyo dastuur-jabin ku tilmaamay hadal guddoomiye Xirsi ku sheegay in madaxweyne Biixi uu sito baasboor dal shisheeye, isagoo sheegay inuu ku gefay qodobbo dastuurka ka mid ah.
“Waxaad tidhi, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waa ajaanib. Waa eray afka ka weyn, waana dembi culus, mana aad xishoon oo waxba maad qaddarin mar haddaad tidhi dalkan ajaanib ayaa xukuma. Mar haddii aad u badheedhay in aad beeniso qodobka 82 iyo qodobka 93 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waa dembi aan u dhaafayno oo u yaal hay’adaha dastuuriga ah.”
“Marka aad madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku sheegtay ajaanib adigu ma muwaaddin ayaad noqonaysaa?” ayuu hadalkiisa ku daray Buuni.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ku eedeeyey Xirsi inuu saamayn ku leeyahay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo uu ku dooday inuu aragtiyihiisa ku maamulo Golaha Wakiillada.
“Xirsi wuxuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada aniga ayaa leh, oo aarkiifiyada (xusuus dhawr) Golaha Wakiillada warqadaha aan ka soo qaatay waxa ku qoran iyo waxa uu afkiisa ka yidhi aad iyo aad u kala duwanayd.”
Dhinaca kale, Afhayeenka KULMIYE, ayaa ku dhaliilay Guddoomiye Xirsi hadal uu ku difaacay madaxweynaha Soomaaliya Mr Farmaajo.
“Waxaan ogahay shacbiga Somaliland sida ay uga xumaadeen, difaaca aad difaacday Farmaajo, Farmaajo miyaannu ahayn cadowga kowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland?” ayuu yidhi Buuni.
“Miyuu oggolaaday madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland?” ayuu Afhayeenka KULMIYE weydiiyey Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Guddoomiye Xirsi oo ka jawaabayey hadal uu madaxweynaha Somaliland ku duray muddo-dhaafka dhiggiisa dalka Soomaaliya Mr Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Biixi in uu isaguba sharciga jabinayo.