Ciidammada ammaanka Sudan oo toogasho ku dilay dad rayid ah

Sudan-(Berberanews)-Ciidamada ammaanka Suudaan ayaa Axaddii labo qof ku dilay Omdurman, oo ah magaalada mataanaha ah ee caasimadda Khartoum, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen, iyadoo kumanaan qof ay isugu soo baxeen bannaanbaxyo ka dhan ah militariga.

Golaha Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan (CCSD) ayaa sheegay in mid ka mid ah mudaaharaadayaasha laga toogtay xabadka halka kan labaadna uu ka soo gaadhay “dhaawac culus oo madaxa ah.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ciidamada ammaanku ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen kumannaan qof oo mudaaharaadayaal ah oo ku sugnaa caasimadda Suudaan ee Khartoum

sawirro laga sii daayay ayaa muujinaya, iyadoo dibad-baxayaashu ay u socdeen xarunta madaxtooyada wareeggii 12-aad ee mudaaharaadyada waaweyn tan iyo afgambigii 25-kii Oktoobar.

Adeegga Internetka iyo Mobile-ka ayaa u muuqday in Khartoum uu go’ay Axaddii ka hor inta aan la qorsheynin mudaaharaadyo looga soo horjeedo xukunka militariga, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Kooxda dabagalka mareegaha ee NetBlocks ayaa sidoo kale sheegtay in adeegyadii internet-ka ee mobilada la jaray ilaa subaxnimadii.