Wakiilka Somaliland ee Uganda iyo Hambalyada Curashada Sannadka Cusub 2022

Uganda-(Berberanews)-Wakiilka Somaliland ee dalka Uganda Xamse Xaaji Dool, ayaa hambalyo u diray bulshada Somaliland Curashada Sannadka Cusub Ee Miilaadiga – 2022-ka.

“Aniga oo ku Hadlaaya Magacayga Iyo Magaca Wakiilka Xafiiska Somaliland ee Dalka Uganda Waxaan Munaasibadda Curashada Sannadka cusub ee 2022-ka (Miilaadiga) oo ku beegan berri oo Sabti ah awgeed aan Hambalyo, Bogaadin iyo Ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta Caalamka iyo Umadda Geeska Africa gaar ahaanna shacabka Somaliland Gudo iyo Dibadba, Waayeel, Dhallinyaro, Rag iyo Haweenba, si gaar ahna waxan hambalyo udirayaa *Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muse Bihi Abdi iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil “Saylici” Dhamaan Golayaasha qaranka, Hogaanka Sadexda Xisbi Qaran iyo Ciidanka kala Duwan ee qaranka*.

Waxaana ilaahay ka baryayaa in uu inaggu gaadhsiiyo dhamaanteenba sannadkan Sannadkiisa bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo, Jamhuuriyada Somaliland oo Caalamka ka mid ah Aqoonsi buuxana hanatay, Doorashooyinka Guurtida, Urur furida iyo Madaxtooyada oo si nabad iyo Xor ah u qabsoomay iyo Umada Somaliland oo Horumar hiigsatay.

Waxaana Guud ahaanba Shucuubta Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2022-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda.

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

*Amb Hamse Haji Dool*
*Wakiilka Somaliland ee Dalka Uganda*