Madaxweyne Biixi oo curashada sannadka cusub ee 2022 hambalyo, duco iyo dardaaran u diray bulshada

Hargeysa  -(Berberanews)-MaMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabd, ayaa curashada cusub ee 2022 darteed hambalyo, duco iyo dardaaran u diray guud ahaan bulshada Somaliland.
Dhambaal qoraal ah oo ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Hargeysa maanta, waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi uu curashada sannadka cusub ee miilaadiga 2022-ka oo ku beegan Sabtida berri hambalyo u diray dhammaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta beesha caalamka.
“Madaxweynuhu waxa uu mar labaad munaasabadda sannadka cusub oo ka mid ah munaasabadaha fasaxa qaran awgeed uu hambalyo iyo salaan u dirayaa dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dawladda, goleyaasha qaranka iyo guud ahaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan.”
“Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Alle uga baryayaa inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan nabadqab, barwaaqo, bash-bash iyo horumar, inta xannuusanaysana ka dulqaado xannuunka, uguna beddelo caafimaad taam ah. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu shucuubta caalamka u rajaynayaa in sannadka 2022 uu noqdo mid la kowsada nabadgelyo xasillooni iyo horumar waara.”
“Ugu dambayn, wuxuu madaxweynuhu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ku bogaadinayaa dedaalkooda horumarka iyo doorka muuqda ay ka qaataan nabadgelyada wuxuuna ku dhiirrigelinayaa inay kor u qaadaan wax-wada-qabsiga iyo midnimada dhexdooda, kuna tartamaan iskaashiga horumarka, isla markaana ilaashadaan jiritaanka qarankooda,” ayuu Madaxweynaha Somaliland ku yidhi dhambaalkiisa.

Berberanews.com
Info@berberanews.com