Hambalyada Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Sannadka cusub 2022

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka sare ee xisbiga, fulinta xisbiga, garabbada haweenka iyo dhallinyarada xisbiga, Guddoomiyayaasha Gobollada Xisbiga, laamaha dibadda iyo dhammaan taageerayaasha Xisbiga, waxa uu munaasibadda sannadka cusub ee miilaadiga 2022 awgii uu hambalyo u dirayaa guud ahaanba shucuubta caalamka, gaar ahaanna shacbiweynaha Somaliland meel kasta oo ay daafaha dunida ka joogaan.

Guddoomiyuhu waxa uu dhambaal hambalyo ah u diraya Ciidammada Qalabka sida ee JSL iyo qoysaskooda iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee ummadda Somaliland, waxaannu Ilaahay uga baryayaa in uu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo barwaaqo, baadhaadhe nololeed, horumar iyo wadajir.
Guddoomiyuhu wuxuu Ilaahay caafimaad u waydiinaya inta xannuunsanaysa, waxaanu inta caafimaad qabta u rajaynaya barwaaqo iyo wanaag.
Sannad wacan oo wanaagsan 2022.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun
    Afhayeenka Xisbiga WADDANI