Golaha Wasiirrada Somaliya oo taageeray Shirka Wadatashiga Qaran, farmaajona eedeeyay

Muqdisho, Diseember 30, 2021 — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay kaga hadleen arrimo muhiim oo khuseeya xaaladda dalka, siyaasadda, amniga iyo doorashooyinka dalka.
Golaha ayaa cambaareeyey isku daygii afgambigii fashilmay ee 27ka December lagu soo qaaday xarunta Golaha Wasiirrada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo muujiyay sida ay uga xun yihiin falkaas.
Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in baadhitaan dhab ah lagu sameeyo ciddii ku lugta lahayd duullaankii lagu qaaday hey’adaha dastuuriga ee dalka, isaga oo Ra’iisul Wasaaruhu soo magacaabi doona guddi ka kooban 5 xubnood oo baaris dhammeystiran ku sameeya sidii ay wax u dhaceen.

Golaha Wasiirrada waxa kale uu ansixiyay Xisaab-xidhka miisaaniyadda dowladda ee 2020kii.
Waxa kale la ayiday qorshaha sugidda amniga caasimadda oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Amniga Gudaha kaas oo faraya in la sameeyo ciidammo isku dhaf ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidammada qalabka sida.

Waxa shirka Golaha Wasiirrada looga mahad celiyay taageerada Xukuumadda ee Beesha Caalamka iyo hoggaaminta Ra’iisul Wasaaruhu ee doorashooyinkia iyo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku dhawaaqay.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisal-wasaaraha Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa kale oo laga hadlay arrimaha abaaraha iyo cudurka COVID-19.