Musharraxiinta Soomaaliya oo ka dalbaday Farmaajo inuu si degdeg ah uga baxo Madaxtooyada

Ciidammada Badbaado Qaran oo markale xarumo ka samaystay badhtamaha Muqdisho

Muqdisho -(Berberanews)-Golaha Midowga Musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ka dalbaday Farmaajo inuu si degdeg ah uga baxo xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Bayaan wadajir ah oo Golaha Midowga Musharrixiinta soo saareen maanta, waxa ay kaga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo si kulul u cambaareeyey isku day ay ku sheegeen inuu ahaa afgambi dhicisoobay.
Waxa kaloo ay codsadeen in baadhitaan dhaqso ah lagu sameeyo, dacwadna lagu soo oogo Farmaajo iyo intii kale ee ku gacan siisay afgambigii shalay fashilmay.
Golaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyey raysal wasaraaha Soomaaliya go’aanka geesininada leh ee uu ka qaatay isku daygii lagu afgambiyayey, isla markaana ku sheegay in dalka doorasho xor iyo xalaal ah ka dhici doonto.
Midowga Musharraxiinta ayaa ka dalbaday Madaxweyne Farmaajo inuu si degdeg ah uga baxo xarunta madaxtooyada Soomaaliya, si looga badbaado colaad ka dhacda caasimadda Muqdisho.
Geesta kale, ciidammada la baxay Badbaado Qaran, ayaa markale xarumo ka samaystay badhtamaha caasimadda Muqdisho, kuwaas oo shaaca ka qaaday in aanay ka bixi doonin magaalada ilaa Madaxweyne Farmaajo laga saaro xarunta madaxtooyada Villa Somalia.