Maraykanka oo ku hanjabay tallaabo uu ka qaadayo kuwa carqaladaynaya Somalia

Somalia-(Berberanews)-Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in ay tallaabo ka qaadi doono kuwa carqaladda ku ah dariiqa nabadda Somaliya.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in iskudayga shaqa-joojinta Ra’isulwasaare Rooble ay tahay mid walwalkeeda leh, isla markaana uu Mareykanka taageerayo dadaalladiisa doorasho deg deg ah oo lagu kalsoonaan karo.

“Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa caqabadda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya. Iskudayga shaqo-joojinta Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble waa mid laga naxo, waanu taageersannahay dadaalladiisa doorasho deg deg ah oo lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyada waa in ay ka baaqsadaan ficillada iyo hadallada kicinta ah,” ayuu lagu yidhi hadalka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.