Mo Saalax oo sameeyay wax kasoo horjeeda mabaadi’da Muslimka?

Weeraryahanka kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah ayaa falcelin cadho leh ka dhaliyay qaybo ka mid ah baraha bulshada kadib markii uu xiddiga Muslimka ah la wadaagay fariinta maalinta Christmas-ka ee qoyskiisa.

Salah oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan Isboortiga Adduunka ayaa malaayiin taageerayaashiisa ah soo dhigay Instagram-ka iyo Twitter-ka sawir farxadeed oo muujinaya isaga iyo qoyskiisa oo hor fadhiya geedka Christmas-ka oo ku labisan dhar isku mid ah.

Mo salah

“Merry Christmas” ayaa ahayd fariinta 29-jirka kubada cagta. Farriinta Salah ayaa kor u kacday in ka badan 2 milyan oo ‘likes’ ah saacado gudahood markii la soo galiyay Instagram-ka waxaana uu ka helay in ka badan 200,000 Twitter.

Laakiin jacaylka Salah iyo qoyskiisa dhexdiisa waxaa jiray qaar ka soo horjeeday weeraryahanka loo u dabaaldegay Christmas.

Saalax ayaa jawaabo Carabi ah lagu garaacay, oo ay ku jiraan qaar badan oo farriinta u arkay mid ka hor imanaysa mabaadi’da Muslimka ee xiddiga iyo meel ka dhac ku ah diintooda.

Berberanews.com
Info@berberanews.com