Wararkii u dambeeyey ee khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo gaadhay   maamul-goboleedyada

MUQDISHO —(Berberanews)- Waxa soo ifbaxaya in maamul-goboleedyada Soomaaliya uu durba saameeyey khilaafka cusub ee Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble, waxana madaxda maamullada ka muuqda inay la kala safanayaan labada dhinac.
Jubbaland iyo Puntland ayaa oggolaaday inay ka qeybgalaan shir uu ku baaqay Ra’iisal-wasaaraha, halka Koonfur-galbeed ay iyaduna diiday inay ka qaybgasho shirka Rooble ku baaqay oo la filayo inuu Muqdisho ka furmo berrito.
Dhinaca kale, Ra’issul Wasaare Rooble ayaa isku beddelay laba ka mid golihiisa wasiirrada. Wasiirka Gaashaandhigga ayuu u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo hore u ahaa Wasiirka Caddaaladda, halka Xasan Xuseen Xaaji oo hore ahaa Wasiirka Gaashaandhigga uu u magacaabay Wasaaradda Caddaaladda.