Hargeysa: Ninkii aan gurigiisa ka shaqaynayay ayaa i kufsaday”

Tacadiyada loo gaysto haweenka ka shaqeeya guryaha ayaa soo badanaya magaalooyinka Somaliland, sida ay sheegeen ururro maxalliya oo arrimaha haweenka u dooda.

Tacaddiyan ayaa waxa ka mid ah in laga dafiro mushaharka ay ku shaqeeyaan, kufsi iyo weliba tacaddiyo kale oo ay ka mid tahay in wakhti badan ay shaqeeyaan, sida ay BBC-da u sheegtay Agaasimaha waaxda Jinsiga ee Wasaaradda Shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, Muna Ciise Mahad.

“Hablaha shaqaalaha ah kufsigu wuu ku dhacaa guriga laftiisa ayuu tacaddi kaga dhacaa,xuquuqda qofka banii’aadamka ah oo aan la ilaalin oo 8 saacadood wax ka badan lagu shaqaysto waxa kale oo jirta in mararka qaarkood mushaharkii ay xaqa u lahayd ay waydo”

Gabadh aan magaceeda Qarinay oo BBC-da warraysi siisay ayaa sheegtay in ninkii lahaa guri Hargeysa ku yaalla oo ay ka shaqaynaysay kufsaday kadibna ay uur qaaday.

Waxay sheegtay in markii hore ay ka cabsatay in ay sheegto tacaddiga loo gaystay balse markii dambe ay heshay urur arrimaha haweenka u dhaqdhaaqa oo lagu magacaabo VOSOMWO kaas oo ka caawiyay in dacwad ay ka furato maxkamadda Hargeysa.

Sida ay haweenaydani sheegtay ninkii kufsaday waa la soo qabtay, waana loo xukumay.

“Marka hore waxa igu dhacay kufsi xaafadda aan ka shaqaynaayay awood aan u sheegana waan garan waayay cid kalena maaha ee waa ninkii guriga lahaa, naagtiisuna way shaqo tegi jirtay, culays markaan dareemay inan yar oo jaarkayga ahayd oo aan saaxiibo ahayn ayaa ururkan ii keentay ka dib iyaga ayaa i caawiyay dhakhtarka ayaa lay keenay dhakhtarkaan ku dhalay markaan ilmihii yaraa dhalayna ninkii ayaa lay soo qabtay sharcigaa la mariyay”

Wasaaradda Arrimaha Bulshada Somaliland waxay BBC-da u sheegtay in ay sameeyeen xarun wasaaradda ku dhex taalla oo ay soo wici karaan haweenka tacaddiyada loo gaysto balse ay yar yihiin haweenka ku baraarugsan in cabashadooda ay u soo gudbiyaan laamaha dawladda ee ay khusayso ama hay’addaha arrimahan ka shaqeeya.

Arrimaha kufsiga

Lama oga tirada rasmiga ah ee haweenka shaqaalaha guryaha ka ah ee loo gaysto tacaddiyada galmada la xidhiidha balse warbixinta guud ee boolisku sannadka soo saaray ayaa muujinaysa in tirada haweenka la kufsaday sannadkan ay korodhay marka loo barbar dhigo sannadadii hore.

Booliska ayaa sannadka diiwaan geliyay 232 Kiis oo kufsi ah .

@Bbc Somali