Millatariga Itoobiya oo lagu amray in aanay gelin Gobolka Tigree

Addis Ababa -(Berberanews)-Xukuumadda Itoobiya, ayaa amar ku siisay ciidammadeeda in ay ku ekaadaan gobollada Cafar iyo Amxaara oo deris la ah Gobolka Tirgree, kadib markii gobolladaas laga saaray dagaallamayaasha TLPF.
Madaxa Warfaafinta dawladda Itoobiya Dr Legesse Tulu, ayaa sheegay in go’aankani yahay mid ku-meel-gaadh ah.
“Ololaha midnimada qaran waa laga gaadhay hadafkii koowaad ee laga lahaa, taas oo ahayd in TPLF laga xoreeyo meelihii ay qabsadeen,” ayay yidhi Dr Legesse.
Waxa uu intaas ku daray,  in marka ay ku habboon tahay uun la qaadi doono wax tallaabo ah, inta ka horreysana ciidanka laga ilaalinayo in wax dhib ah soo gaadho.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in kooxda TPLF qorsheynayso inay furato dacwado caalami ah, iyada oo askartii dagaallada kaga dhintay ka dhigaysa dad shacab ah.

Balse Dr Legesse, waxa uu xusay in dawladdu xaq iyo waajibaad u leedahay in ay gasho Gobolka Tigree xilli kasta si ay u gudato waajibaadkeeda ka saaran ilaalinta qarannimada dhuleed.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Itoobiya Nr. Ridwaan Xuseen, ayaa u sheegay diblomaasiyiin shisheeye oo uu Addis Ababa kula kulmay toddobaadkii hore, in Itoobiya aanay wax dan oo weyn ka lahayn in ay  xoogagga TLPF kaga daba tagaan Gobolkooda Tigree.

Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Addis Ababa ay xaqiijin doonto in TPLF aanay dib u soo qaadin weerar dambe, iyada oo dawladdu dhawri doonta xuquuqda aadanaha.

Dagaalka Itoobiya oo socda muddo ka badan sannad, ayaa geystey qasaare culus oo bani’aadanimo iyo burbur hantiyeed aad u weyn.

TLPF ayaa sheegtay in ay isaga baxday deegaannadii ay ka qabsatay gobollada Axmaarada iyo Canfarta.