Wararkii u danbeeyay: Qax iyo barakac ka socda Boosaaso

Boosaaso-(Berberanews)-Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Boosaaso, ayaa sheegaya in Boqollaal qoys bilaabeen qax.

Qoysas tiro badan oo saaran gaadiidka kala duwan ayaa la arkay iyagoo ka qaxaya gudaha magaalada Boosaaso oo ay ku dagaalamayaan ciidammada Puntland ee daacadda u ah dowladda iyo Ciidanka PSF ee sida gaarka ah u tobararan.

Barakaca boosaaso

Adeegyada bulshada sida laydhka iyo biyaha ayaa la soo weriyay inay ka go’een xaafada qaarkood, ka dib markii dagaal iyo colaad hor leh ay kasoo cusboonaatay magaalada Boosaaso ee Puntland.

Dad rayid ah ayaa sidoo kale ku dhintay hoobiyaal ku dhacay guryo ka mid ah xaafadaha Boosaaso.

Berberanews.com
Info@berberanews.com