Mareykanka walaac weyn ka muujiyey diyaaradaha Turkigu ka iibiyey Itoobiya

Washington  -(Berberanews)- Masuuliyiinta waddanka Mareykanka, ayaa walaac xooggan ka muujiyey diyaaradaha drones-ka ee uu Turkigu ka iibinayo dalka Itoobiya, iyadoo laba ilo-wareed oo arrinta la socday ay sheegeen inay jiraan caddaymo muujinaya in dowladda Addis Ababa ay hubkaasi u adeegsatay la dagaallanka fallaagada Tigreega.
“Washington waxa ay aad uga walaacsan tahay dhibaatada bini’aadamnimo” ee ka dhalan karta hubkaas uu Turkigu iibiyey, taas oo jabin karta xayiraadaha Addis Ababa uu Mareykanku hubka ka saaray.” Sidaa waxa sheegay sarkaal sare oo reer Galbeed ah.

Dagaalka muddada sannadka ka badan u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo hoggaanka fallaagada Tigray, ayaa lagu tirinayaa in dad badan ku dhinteen, halkaas oo kumannaan qof oo rayid ah uu dagaalku galaaftay, halka malaayiin qofna ay guryahoodii ka barakaceen.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay in Ergayga Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman uu “soo hadal qaaday wararka sheegaya in diyaaradaha drones-ka oo hubaysan lagu isticmaalay Itoobiya, taasina ay sababi karto waxyeello soo gaadho dadka rayidka ah.”

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Washington sida aanay arrintaas ugu qanacsanayn ku soo gudbisay dhowr shir, halka wakaaladdu ay sheegtay in millateriga Itoobiya iyo dowladduba aanay ka soo jawaabin codsi ah inay arrintaas dhankooda ka jawaabaan.

“Mareyanku wuu na soo gaadhsiiyey sida aannu ugu qanacsanayn diyaaradaha drones-ka ee uu Turkigu iibinayo… haseyeeshee Turkiga waxa uu ku taagnaan doonaa siyaasadaha uu arrimahaas ka degsaday,” ayuu qofkaasi u sheegay Reuters.

Turkiga oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka iibiya dhowr dal oo ku kala yaal qaaradaha Yurub, Afrika iyo Aasiya, ayaa gaashaanka u daruuray dhaleecaynta ah in dalkaas uu xasillooni darro ka abuurayo Afrika, waxaanay dowladdu sheegtay inay xidhiidh la samaysay dhammaan dhinacyada ay u dhexayso colaadda Itoobiya si ay ugu boorriyaan inay wadahadlaan.

Turkiga ma faragelinayo arrimaha gudaha ee dalalka kale:

Toddobaadkii la soo dhaafay Qarammada Midoobay ayaa isku raacday in la sameeyo guddi madax-bannaan oo baadha xadgudubyada xuquuqda bini’aadamka ee Itoobiya ka dhacay, arrintaas oo ay si xooggan uga soo horjeeddo dowladda.

Fallaagada Tigray ayaa Isniintii sheegay inay isaga baxayaan qeyb ka mid ah gobollada waqooyi kaddib markii dowladdu horumar ka samaysay dagaalka.

Bishii Sibteembar, Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka ayaa meelmariyay in cunaqabatayn la saaro dadka ku lugta leh siyaasadaha lagu khalkhalgalinayo daganaanshaha, colaadda sii hurinaya ama hor istaagaya gargaarka bini’aadamnimo, walow aannu muuqan wax tallaabo ah oo si degdeg ah looga qaadayo waddanka Turkiga.

Sarkaal kale oo sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Turkiga, ayaa sheegay in Ankara aanay ku hamiyayn inay farageliso arrimaha gudaha ee dal ku yaal caalamka.

Qalabka difaaca ee Turkiga uu ka iibinayo waddanka Itoobiya ayaa sare ugu kacay ku dhawaad $95 milyan oo doolar 11-kii bilood ee aynu ka soo gudubnay ee sanadkan 2021, halka sanadkii hore aysanba waxba ka iibin, marka la eego xogta ku xusan Exporters’ Assembly data.

Diyaaradaha Drones-ka ee dagaalka ku jira:

Ciidammada dowladda Itoobiya oo ay wakaaladda wararka ee Reuters ku wareysatay meel u dhaw Gashena, oo ah magaalo ku taal buur dhinaceed ee jiidda hore ee dagaalka, ayaa sheegay in guulaha dhawaan ay dowladda ka gaadhay dagaalka ay ku yimaaddeen taakulo isdaba joog ah iyo isticmaalka diyaaradaha duuliyaha lahayn iyo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada Tigray.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa tabinaysa in weriyayaasheeda ay soo arkeen taangiyo la burburiyay iyo gawaadhi qafilan oo ah lidka diyaaradaha.

Sarkaal millateri oo shisheeye oo saldhiggiisu uu yahay waddanka Itoobiya ayaa sheegay in sawirro lagu qaaday dayaxgacmeed iyo caddaymo kale ay “si cad u muujiyeen” in diyaaradaha drones-ka la adeegsaday, qiyaastiina illaa 20 dayuuradood ayaa howlgalaya. Ma cadda tirada diyaaradahaas ee ay suurtpgalka tahay inay Turkida sameeyeen.

Saraakiisha Turkiga iyo Itoobiya midna meel fagaare ah kama xaqiijin iibka drones-ka.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale diyaarado drones ah waxa ay ka soo iibsatay Isutagga Imaaraatka Carabta, dowladdaas oo Reuters ay sheegtay in aanay ka soo jawaabin codsi loo diray oo la xiriiray inay ka jawaabaan walaaca Mareykenka.

Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado heerkoodu sareeyo ka taya wanaagsan kuwa laga soo saaro dalal badan.
Diyaaraddan waxa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan.
Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay hadda ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

Bishii May dalka Poland oo xubin ka ah gaashanbuurta NATO, ayaa heshii ay ku iibsanayaan 24 diyaaradood la galay Turkiga.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in wasiirka gaashaandhigga Poland uu u sheegay idaacadda lagu magacaabo Radio 2 ee dalkiisa in diyaaraduhan ay muujiyeen “kartidooda dagaalka.”
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Sacuudiga ay sidoo kale muujiyeen inay danaynayaan inay iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.
Diyaaradda Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada.

Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaraddan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah.

Diyaaradahaan waxay qaadi karaan 4 gantaal oo waaweyn.

Waxa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaadheen dagaalkii ay la galeen iyo Armenia.

Diyaaradaha ayaa waxa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaallada Suuriya iyo Liibiya.

Berberanews.com
Info@berberanews.com