Xukuumadda oo ugu baaqday Guddoomiyaha Wakiillada in uu raaco aqlabiyadda xildhibaannada golihiisa

Hargeysa -(Berberanews)-Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed in aannu ka horiman xeerka furista ururrada siyaasadda, isla markaana u hoggaansamo rabitaanka aqlabiyadda xildhibaannada golihiisa oo haatan u kala fadhiya laba  garab oo iska soo horjeeda.
“Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, awowgay Cabdirisaaq Khaliif waxaan kula talin lahaa inuu golaha sharci ku hoggaamiyo, madaama uu yahay odaygii baarlamaanka oo uu sharciyadda dalka raaco, oo aannu noqon guddoomiyihii ugu muddada gaabnaa,” ayuu yidhi Wasiir Liibaan oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa maanta.
Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka, ayaa ku eedeeyey xisbiga mucaaradka WADDANI ee ka tirsan yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada in aannu oggolayn xeerka furista ururrada siyaasadda oo uu ku dooday inuu yahay mid ku salaysan rabitaanka aqlabiyadda xildhibaannada iyo shacabka Somaliland.

“Waan ogahay in guddoomiye Cabdirisaaq uu xisbi ka tirsan yahay. Saaxiibbo ayuu leeyahay abaal ku leh oo Somaliland oo dhan ogtahay, oo iyagu arrinka furista ururrada ka soo horjeeda, laakiin sharcigu wuxuu qabaa in ururrada la furo, isaguna wuu ogyahay, xildhibaannadiisiina majooratigoodii taas shacbigu qabo ee ah in aan marnaba dib loo dhigi karin ayey qabaan,” ayuu yidhi wasiir Liibaan.

46 mudane oo ka mid ah 82ka xildhibaan ee Golaha Wakiillada Somaliland ka kooban yahay, ayaa soo jeediyey in xeerka furista ururrada siyaasadda aan waxba lagaga noqon oo sidaa lagu furo ururrada.
Dhinaca kale, xukuumadda ayaa ku dhawaaqday in ay furan yihiin ururrada siyaasadda.

Berberanews.com
Info@berberanewa.com