Gabadh sheegtay in shaqada dawladda looga joojiyey qoraal ay ku taageertay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa (BerberaNews)- Nimco Cabdi Wahaab Shirdoon ah weriyeyaasha ka hawlgala Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ayaa sheegtay in shaqadii dawladda looga joojiyey qoraal ay taageero ugu muujisay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Weriye Nimco oo muddo dheer ka tirsanayd Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ayaa warbaahita u sheegtay inay shaqadeedii ku wayday, kadib markii qoraal ay galisay bogeeda Facebook oo ay taageero ugu muujisay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

“Muddo dhowayd waxaa dhacday in ay isku dhaceen, guddoomiyaha baarlamaanka dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland iyo TV-ga Qaranka, taasi oo ah sunnaha dalkeenna iyo dadkeenna in ay tahay wax caadiya oo laga heshiin karo…waxa dhacday in aan guddoomiye Khaliif sawiriiisa soo dhigay, waxa la i yidhi gef ayaad ku dhacday,” ayey tidhi Nimco.

“Sawirkii iyo magacaygii oo isla socda, ayaa la keenay iyadoo laygu hanjabayo oo laygu ganaaxayo in aan shaqada qaranka meel kaga dhacay. Agaasimaha guud ayaa ii yeedhay, kadibna wuxuu iigu hanjabay ‘ma ogtahay Facebookgaaga waxan aad soo dhigaysaa in uu yahay khalad xeerna uu ku qabanayo.”

Nimco ayaa sheegtay in habeenkii xalay ahaa uu maamulka waaxda ay ka tirsanayd ku war galiyay in shaqadii laga joojiyey, “Xalay waxa ila soo hadlay madaxa waaxdii aan hoostagayay oo igu yidhi ‘Nimcoy madaxdii iga saraysay waxay ii sheegeen in shaqadii laga joojiyo’.”

Qoraalka Nimco shaqada looga joojiyay ayaa ahaa mid ay taageero ugu muujisay guddoomiye Khaliif xilli uu khilaaf soo kala dhexgalay TV-ga Somaliland, “kuwii indhaha hoos urogan jiray ee hacooyada ahaa baad rabtane kani waa halyay kudhac iyo ku dhiirashaba leh,” ayey tidhi.