Somalia yo Eritrea oo diiday qaraar Qarammada Midoobay ku amartay baadhitaan caalami ah

Geneva -(Berberanews)-Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qarammada Midoobay, ayaa cod uu qaaday ku anisixiyey abuurista guddi khubaro ah oo caalami ah oo baadhitaan ku sameeya tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay dalka Itoobiya muddo sannad ka badan oo dagaallo ka socdaan waddanka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.
Codaynta ayaa dhacday kadib shir shalay lagaga hadlay xaaladda xuquuqda aadanaha Itoobiya, taas oo saraakiisha Qarammada Midobay ay ka digeen in dagaalka Itoobiya uu noqon karo mid baaha oo saameeya gobolka.
Codaynta shalay la qaaday ayaa 21 waddan oo xubno ka ah Golaha Xuquuda Aadanaha ee Qarammada Midobya waxay ku codeeyeen inay ansixiyaan qaraarkaas, waxana ka soo horjeestay 15 waddan, halka 11 kale ka aamuseen.
Waddamada ansixiyey waxa ka mid ah kuwa Yurub oo Biritan iyo Jarmalka ugu horreeyaan, halka kuwa ka soo horjeestay ay ku jraan Soomaaliya iyo Eritrea.
Dhammaan dalalka Afrika ee ku jira golahan ayaa isugu jiray kuwa diiday iyo qaar ka aamusay.
Waddamada ka aamusay waxa ka mid ah Senegal, Liibiya, Malawi yo Suudaan.
Guddigan ayaa ka koobnaan doona saddex qof, waxayna la socon doonaan xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Itooobiya muddo hal sanno ah.
Dawladda Itoobiya waxay ka soo horjeesatay shirka maanta iyo dhismaha guddiga, waxayna sheegtay in shrika ay afduubeen dhinacyo leh dano siyaasadeed.

Berberanews.com
Info@berberanews.com