Fly Dubai oo dub usoo caga-dhigatay Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Shirkadda Diyaaradaha ee Fly Dubai, ayaa maanta dub u soo cagadhigatay Madaarka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Fly Dubai, ayaa hore uga biyo diiday go’aan Hay’adda Duulista Somaliland kusoo koobtay maalmihii diyaaraddu iman jirtay, taasoo ka cadhaysiisay Maamulka Shirkaddaas oo ka laalaabtay dalka.

Balse dhawaan Sida ay baahisay Khaleejtimes Duulimaadyadii dalka ayaa si ku meel gaadh ah loo hakiyay sababo la xidhiidhay khilaaf soo kala dhexgalay Somaliland, balse dub ay u bilaabayaan duulimaadyadoodii 18ka December oo maantau beegnayd.
“Waxa aanu rajaynaynaa in aanu si dhaw ula shaqayno Maamulka Duulista iyo Madaarada Somaliland iyo hay’adaha kale ee sharciyaynta si aanu u bixino fursad ku haboon safarka Dubia iyo wixii ka dambeeya iyada oo la adeegsanaayo safar todobaadle ah oo saddex jeer ah” sidaa waxa sheegtay shirkadda Fly Dubai

Fly dubai egal airport