Calaamadaha lagu garto nooca cusub ee Karona oo si weyn ugu faafaya dunida

London  -(Berberanews)-Feyraska cusub ee Karona oo loogu magac daray Omicron, ayaa si weyn ugu faafaya qaybo ka mid ah caalamka, gaar ahaanna Yurub iyo Afrika.

Dalka UK ayaa lagu soo warramayaa in si xawli ah uu Omicron ugu faafayo, halka Ra’iisal-wasaaraha Faransiiska, Jean Castex uu halista nooca cusub ku sheegay in marka la gaadho sannadka cusub ee 2022 uu si weyn ugu faafi doono gudaha dalkiisa.

Omicron ayaa fara ba’an ku haya dalka Ingiriiska, kiiisaska laga diiwaangeliyay dalkaasina waxay gaadhayaan ilaa 15,000.

Waaxda Adeegga Caafimaadka Qaranka ee UK ayaa baadhaysa calaamadaha cuub ee cudurka Covid-19, sida qufaca joogtada ah ee lagu arkay bukaanada, qandhada daran iyo qofka inay ka tagaan urta ama dhadhanka ama in uu isbeddel ku yimaad.

Cilmi-baadhayaasha sayniska ayaa tilmaamay in dadka qaar ee uu ku dhacay feyraska cusub ay u sheegeen inay dareemaan “hargab xun” oo leh astaamo ay ka mid yihiin madax-xannuun, cune xannuun iyo duuf.

ilaa hadda waxa la ogaaday shan calaamadood oo ku saabsan cudurkan.

-Duuf

-Madax xannuun.

-Daal (mid fudud ama mid daran).

-Hindhiso.

-Cune Xannuun.

Haddii aad u malaynayso inaad qabto cudurka Covid-19, waa muhiim ah in qofku iska baadho. xataa dadka aan aad ula xannuunsan cudurka waxay halis gelin karaan kuwa kale.

Haddii qofka qandho hayso ma waxay ka dhigan tahay in feyraska Karona ku dhacay?

Heerkulka aad u sarreeya ee qofku wuxuu gaadhi karaa 37.8C ama ka badan. Qandhada sidan oo kale ah waxay dhici kartaa marka jidhku uu la dagaallamayo caabuq kasta – ma aha kaliya ah feyraska Karona.

Badanaa qofka uu ku dhaco hargabku iskuma arko qandho daran.
Ka warran waran qufaca?

Haddii aad qabto hargab waxa laga yaabaa inaad qufacdo iyadoo ay ku wehliyaan calaamado kale.

Hargabku wuxuu u muuqdaa inuu si tartiib-tartiib ah qofka u soo qabto, marka dambena in yaryar ayuu u sii baxaa, inkastoo aad xannuun dareemi karto, waxaad dareemi kartaa Qufac, waxa jiri kara hindhiso iyo cune xannuun , diif. Sidoo kale waxa wehlin karaa hargabka qandho, qadhqadhyo, murqo xannuun iyo madax xannuun, balse calaamadaha waa kuwa naadir ah.

Qufaca uu dareemo qofka cudurka Karona ku dhacay waa mid qofku qufaci karo in ka badan saacad ama qofka in 24-kii saacadood gudahood uu qufaco saddex jeer wax ka badan.

Isbeddelka urta ama dhadhanka?

Luminta urta iyo dhadhanku waa calaamadaha ugu waaweyn ee lagu garto Karona, qofkii isku arka waa in uu is baadhaa.

Weli waxa dhici kartaa in aad qabto hargab fudud. Laakiin waxaad u baahan tahay inaad hubiso, xataa haddii aad xanuunsanayso, si aad uga fogaato halista faafinta fayraska.

Ka warran waran hindhisada?

Hindhisadu ma aha calaamadaha feyraska Karona, balse haddii ay kuu wehliyaan sida qufaca, qandho ama in urta iyo dhadhanku kaa tagaan, markaa waxaad u baahan tahay baadhitaan.

Hindhisadu waxay ka qayb qaadataa faafinta cudurka, markaa qof kasta waxa looga baahan yahay tallaabooyinkan soo socda:

-In si joogto ah aad gacmaha u maydho.

-Afka iyo sanka daboolo marka aanay suurtogal ahayn kala fogaanshaha bulshada.

Ka warran waran duufka, san xidhanka ama madax xannuunka?

Haatan, qofka isku arka duuf iyo madax xannuun ma aha in laga baadho Covid-19, sida ay qabto waaxda qaranka ee adeegga caafimaadka UK.

Balse cilmi baadhista la sameeyey waxay muujineysaa in dadka qaar ee laga helay cudurka lagu arkay calaamadahaas.

Xeerarka u yaal Mareykanka waxay sheegeen in dadka lagu arko calaamadahan soo socda laga heli karo cudurka Covid-19.

-Qandho

-Qufac

-Neefsashada oo qofka ku adkaata.

-Daal.

-Muruq xannuun ama jidh xannuun

-Madax xannuun

-Urta iyo dhadhanka oo ka tega

-Cune Xannuun

-Duuf

-Lalabbo ama matag

-Shuban.