Budhcadda Internet-ka oo la wareegay Facebook-ga Taliyaha Millateriga Somalia

Muqdisho —(Berberanews)-Budhcad dhinaca Internetka ah, ayaa gebi ahaanba la wareegay bogga uu mareegta  Facebook ku leeyahay taliyaha ciidanka millateriga dawladda taagta daran ee Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka maamulka Muqdisho ee SONNA caawa.
“Taliska Xoogga Dalka Soomaaliya wuxuu dhammaan bulshada Soomaaliyeed la socodsiineynaa in la jabsaday Page-ka uu baraha bulshada ku lahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage,” ayaa lagu yidhi qoraal lagu soo daabacay bogga wakaaladda wararka ee SONNA.
Qoraalkan ayaa lagu sheegay in talisku bulshada uga digayo in aanay ku qaldamin ‘kadsoomin’ farriimaha ay dhici karto inay kaga iman karaan budhcadda jabsatay.
“Talisku wuxuu hadda gacanta ku hayaa sidii uu dib ugu soo celin lahaa maamulka bogga gaarka ah ee Taliyaha, insha Allah marka dib loo soo celiyana dib ayaan idinkala soo wadaagi doonnaa,” ayuu sii raaciyey bayaanka lagu daabacay SONNA.

Berberanews.com