12 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Pakistan

Pakistan-(Berberanews)-Qarax xooggan oo gaas ah ayaa ka dhacay meel bulaacad ah oo ku taal koonfurta Pakistan ee Karachi, waxaana ku dhintay ugu yaraan 12 qof tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Sarafar Nawaz Shaikh ayaa markii dambe sheegay in laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay ku dhinteen isbitaalka taasoo tirada dhimashada ka dhigaysa 12.

Afhayeenka booliiska Sohail Jokhio ayaa sheegay in qaraxa ay u badan tahay inuu ka dhashay gaas ku ururtay bulaacada hoosteeda dhismaha bangiga ee xaafadda Shershah ee magaalada.

Daaqadaha ayaa burburay dhismayaal ka agdhawaa halka qaraxa uu saameeyay dhowr baabuur oo meesha ka ag dhawaa oo burburiyay kaalin shidaal oo ku taal dhinaca kale ee dhismaha.

Jokhio ayaa sheegay in ilaa hadda aanay cadeyn waxa dabka dhaliyay, balse koox khubaro ah oo ku taqasusay walxaha qarxa ayaa loo yeedhay si ay baadhitaan ugu sameeyaan.

“Baadhiaanno lagu xaqiijinayo waxa sababay qaraxa ayaa socda, waxaana daweyn lagama maarmaan ah la siinayaa kuwa dhaawacmay,” Maamulaha Karachi, Murtaza Wahab ayaa ku yidhi qoraal uu soo dhigay Twitter-ka.

Mid ka mid ah goobjoogayaasha, Mohammad Sameer, ayaa sheegay in uu daqiiqado ka hor qaraxa ku sugnaa laanta bangiga oo ay dadku ku badnaayeen balse uu ka tagay wax yar ka hor inta uusan qarxin.

Waddooyin badan oo bullaacad ah oo Karachi ah ayaa loo daboolay si sharci darro ah, iyadoo laga dhisay dhismayaal shub ah dushooda.

Berberanews.com
Info@berberanews.com