Haiti oo laga sii daayay samafalayal Maraykan iyo Canada u dhashay

Haitti-(Berberanews)-Koox samafalayaal Canadian iyo US ah oo bishii Oktobar koox budhcad ah ay Haiti ku qafaasheen ayaa la sii daayay, booliska maxalliga ah ayaa sheegay maanta, ka dib toddobaadyo wadahadal ah.

“Waxaan xaqiijineynaa sii deynta 12-ka qof ee hadhay”, ayuu afhayeenka booliiska Haiti Gary Desrosiers u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. “Ma bixin karno faahfaahin dheeraad ah hadda.”

Samafalayaasha iyo xubnaha qoyskooda oo ka kooban 16 Maraykan ah iyo mid Canadian ah, ayaa la afduubay 16-kii Oktoobar, xilli ay ka soo laabanayeen xarun agoonta ah oo ku taal meel bari ka xigta caasimadda Haiti ee Port-au-Prince.

Waxa ay u safreen dalka Caribbean-ka safarkaasoo ay soo qaban qaabiyeen Christian Aid Ministries, oo ah koox kaniisad ah oo fadhigeedu yahay gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, kaas oo sidoo kale xaqiijiyay warka ku saabsan sii daynta afduubanayaasha.

Kooxda waxaa ku jiray shan carruur ah oo uu ku jiro ilmo siddeed bilood jira. Darawalkoodii Haiti ayaa sidoo kale la afduubay, sida ay sheegtay hay’ad maxalli ah oo u dooda xuquuqda aadanaha.

Berberanews.com
Info@berberanews.com