Diblomaasi caan ah oo ka hadlay Weftiga Maraykanka ee socdaalka ku jooga Somaliland

Hargeysa -(Berberanews)-Safiirkii hore ee dawladda Maraykanka u qaabilsanaa dalalka Itoobiya iyo Gini Ambassador Timbor Nagy, ayaa ka hadlay Wefti ka socda Aqalka Koongarayska Maraykanka oo safar ku jooga Somaliland.
Ambassador Timbor Nagy, ayaa qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, wuxuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in wefti ka socda Kongarayska Maraykanku ay booqdaan Somaliland.


Diblomaasigu waxa uu carrabka ku adkeeyey in Somaliland tahay dal aan la aqoonsanayn, balse dedaalaya oo qabsanaya wixii karaankiisa, sidaa darteed weftiga ka socda Maraykanku ay bilow u yihiin socdaallada xaqiiqo-raadinta ah.
Ambassador Timbor Nagy ayaa sheegay, “Aad baan ugu faraxsanahay booqashada wefti ka socda Koonkarayska Maraykanku ay booqasho ku tagaan Somaliland” ayuu yidhi.
Safiirku waxa uu intaa ku daray, “Somaliland, waa waddan dhab ahaan shaqaynaya oo samaynaya intii karaankiisa ah, haddii ay dunidu aqoonsan tahay iyo in kale.”
Waxa uu xusay in weftiga Maraykanku bilow u yihiin xaqiiqo-raadinta lagu samaynayo xaaladaha Somaliland.
“Weftiga Maraykanka ee booqday Somaliland waa bilow wanaagsan oo dhanka xaqiiqada ah,” ayuu yidhi diblomaasiga Maraykanka ah oo si weyn looga yaqaan inta badan qaaradda Afrika.

Berberanews.com
Info@berberanews.com