Hargeysa: Ciidammada ammaanka Somaliland oo xabsiga dhigay Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya

Hargeysa – Ciidammada ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay Ra’iiwasaare-ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Mr Maxamed Cumar Carte, Qaalib, kadib, markii lagu qabtay baasboor Soomali diblomaasi ah xilli uu doonayey ka dhoofo Madaarka Cigaal ee caasimadda Hargeysa maanta.
Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska ee Madaarka Hargeysa, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xadhigga siyaasigaas oo xilal sare ka soo qabtay dawladda Soomaaliya.
Mr Maxamed ayaa sannadkii hore ku laabtay Somaliland, isagoo iska casilay xil xildhibaannimo oo uu ka hayey dawladda Soomaaliya, kadib markii uu aabbihii Allaah ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib ku xannuunsaday magaalada Hargaysa, maalmo ka hor intii aannu geeriyoon.

Soo labashadiisa ayaa suurtoashay, kadib markii uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi u fidiyey cafis madaxweyne, kadib markii uu waraaq cafis ku dalbanayo uu u diray xukuumadda Somaliland, isagoo la sheegay in uu ka tanaasulay fikraddii ‘Soomaaliweyn,’ wuxuuna si toos ah madaarka Cigaal uga dagay 25 October, 2020.

Carte ayaan lagu arag masraxyada siyaasadda mudadii uu joogay Hargeysa, iyadoo dad badan aaminsanaayeen inuu dhinac ka qabsan doono siyaasadda iyo xisbiyada Somaliland.