Xanuun cusub oo ka dilaacay South Sudan

Sudan-(Berberanews)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa baareysaa cudur aan la aqoon oo ka dillaacay dalka South Sudan.

Cudurka aan ilaa hadda la ogaan waxa uu yahay waxaa uu degmada Fangak ee gobolka Jonglei ku dilay ku dhawaad 100 qof.

Toddobaadkii lasoo dhaafay wasaaradda caafimaadka dalkaas ayaa ku warrantay in cudur aan la aqoon ay tiro qof ugu dhinteen deegaanka halkaas oo ay dhawaan saameeyeen fatahaado.

Sarkaal qaabilsan arrimaha caafimaadka ayaa ku warramay in dadka la xannuunsan cudurka ay ka baasheen cudurka Cholera balse ay ka waayeen.

“Waxaan go’aansanay in si deg deg ah ah aan deegaanka ugu dirno koox qiimeyn iyo baadhitaan kusoo sameysa xaaladda, tirada ilaa hadda u dhimatay cudurka waxay gaadhayaan 89” ayay tidhi Sheila Baya oo ka tirsan WHO mar ay la hadleysay BBC-da.

@Bbc