Senator Risch oo soo bandhigay samaynta heshiis u dhexeeya S/land iyo USA

Salaasa, December 14,2021

Senator James Risch oo laga soo doorto gobolka Idaho, kana mid ah Aqalka Guurtida Maraykanka, qaabilsana Gudiga Xidhiidhka Dibada ayaa soo bandhigay in wax ka badal lagu sameeyo miisaaniyada 2022 ee Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka oo loo yaqaano NDAA ama National Defence Authorization Act.

Senator James Risch waxa uu sheegay in loo baahanyahay in xeerka NDAA ama Xeerka Difaaca Qaranka lagu sameeyo is badal, si markaas loo dhiso iskaashi amni iyo difaac u dhaxeeya Maraykanka iyo Somaliland.

Iskaashiga ayaa uu sheegay Senator James Risch in uu noqonayo iskaashi khuseeya amniga iyo difaaca danaha labada wadan.Iskaashigan waxa uu ka duwanyahay iskaashi kasta oo Maraykanka uu la leeyahay Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Senator James Risch waxa uu sheegay in Somaliland ay ka duwantahay, kana soocantahay Soomaaliya.Waa markii ugu horaysay oo masuul sare oo ka shaqeeya xafiisyada ugu muhiimsan Maraykanka uu madal ka cadeeyey wadan ahaanshiiyaha Somaliland.

Xeerka NDAA ee uu doonayo in wax laga badalo Senator Risch ayaa waxa ku jira sidii loola shaqayn lahaa hay’adaha amniga Somaliland iyo sidii loo xoojin lahaa, iskaashina uu u dhexmari lahaa Maraykanka iyo Wasaarada Gaashaanshiga Somaliland iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland.

Senator Risch oo hadalka ka jeediyey Guriga Guurtida Maraykanka ayaa sheegay in Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka, isaga oo la tashanaya Xoghayaha Difaaca uu sameeyo daraasad uu ku abuurayo iskaashi amni iyo iskaashi gaashaan oo u dhaxeeya Maraykanka iyo Somaliland.

Sharcigan ayaa ay tahay in uu dhaqangalo 180 maalmood ka dib, waana in Xoghayaha Dawlada, isaga oo la kaashanaya Xoghayaha Difaaca Maraykanka iyo waaxyaha hay’adaha kale ee Federaalka ay khusayso uu markaa u gudbiyaa warbixin gudiyada shirwaynaha.

SHARCIGA HESHIISKA MARAYKANKA IYO SOMALILAND

XEEERARKA LA AKHRIYEY WAXA KA MID AH:

1- Somaliland waa ka gooni, kana reebantahay Dawlada Federaalka Soomaaliya, iskaashiga lala galayana waa uu ka duwanyahay ka Dawlada Federaalka Soomaaliya.

2- Qaybaha iskaashiga waxa ka mid ah Iskaashi lala yeesho Hay’adaha Amniga Dawlada Somaliland sida Wasaarada Gaashaandhiga iyo Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland

3- Heshiiskan waxa uu go’aaminayaa iskaashiga iyo raadinta danaha iyo amniga qaranka Maraykanka ee ku aadan Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo gobolka Indo Pacific.

4-Iskaashigan waxa uu aqoonsanayaa fursadaha uu Maraykanka ku tababarayo hawlwadeenada laamaha amaanka Somaliland, si markaas loo horumariyo xirfada iyo kartida Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland iyo Laamaha Amaanka Somaliland.

5- Iskaashigan waxa uu tababar khaas ah u furayaa Ciidamada Badda Somaliland.

6- Laamaha Amaanka Somaliland waxa ay ku lug yeesheen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqal insaanka mudo sadex sano ah oo ka horaysay dhaqan galinta xeerkan.

7- Maraykanka waxa uu la kulmay dawlada Somaliland,waxana uu soo jeedinayaa in tababar la siiyo Ciidamada Amaanka Somaliland.

8- Iskaashiga tooska ah ee amniga iyo difaaca uu Maraykanka la yeelanayo Somaliland waxa uu yeelanayaa saamayn istiraatiijiyadeed, oo ay ku jirto ilaalinta danaha Maraykanka iyo xulufadiisa ee ku aadan marin biyoodka Babel Mandeb iyo Dekeda Berbera ee Somaliland.

9- Somaliland waxa ay noqon kartaa albaabka marin biyoodka Bariga Afrika ee khuseeya Maraykanka iyo xulafadiisa.

10- Marinbiyoodka Somaliland waxa uu ka hortagayaa joogitaanka Iran ee Gacanka Cadmeed iyo joogitaanka Shiinaha ee ku sii kordhaya gobolka.

11- Iskaashiga tooska ah ee Maraykanka waxa uu xoojinayaa iskaashiga amniga ee u dhaxeeya  Somaliland iyo Taiwan.

12- Xalinta iyo adkaynta Somaliland waxa ay keenaysaa in ay ka hortagto xasiloonidarada xoogaga Soomaaliya iyo gobolka.

13- Saamaynta Maraykanka uu ku gaadhayo ujeedo siyaasadeed ayaa ah in hoos loo dhigo khataraha ka imaanaya Alshabaab iyo ISIS oo labadaba ay hoy ka dhigteen Soomaaliya.

TAARIIKH KOOBAN OO KU SAABSAN JAMES RISCH

James Risch waa Senator laga soo doorto gobolka Idaho.Waxa uu Risch ku dhashay magaalada Milwaukee ee gobolka Wisconsin May 3,1943.James Risch waxa uu ka qalin jabiyey Jaamacada Wisconsin 1963.1965 James Risch waxa uu marlabaad galay Jaamacada Idaho, halkaas oo uu ka diyaariyey sharciga.1968 waxa uu James Risch qareen ka noqday Ada County oo ku taala gobolka Idaho.

1974-1989 waxa uu James Risch ahaa Senatorka Gobolka Idaho.1995-2003 waxa uu Risch noqday Majority Leader ama Hogaamiyaha Aqlabiyada.2006 waxa James Risch loo doortay Duqa Gobolka Idaho.

2008 ayaa James Risch loo doortay in uu noqdo senator ka shaqeeya United States Senate.

Waxa James Risch dib loo doortay 2014, haddana mar kale ayaa waxa dib loo doortay 2020, waxana uu doorasho gali doonaa January 3, 2027.