Raysal-wasaaraha Israel oo booqasho ku tegay Imaaraadka

Dubai-(Berberanews)-Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa gaaray dalka Isutagga Imaaraadka Carabta si uu ula kulmo hogaamiyaha dowladda Khaliijka.

Waa booqashadii ugu horreysay ee abid uu Imaaraadka ku tago ra’iisul wasaaraha Israa’iil, afhayeenkiisa ayaa sheegay Axaddii.

Bennett ayaa la kulmi doona dhaxal-sugaha Amiir Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan Isniinta inta lagu guda jiro booqashada heerka sare ah, xafiiska Bennett ayaa bayaan ku sheegay

Hogaamiyuhu waxa uu kala hadli doonaa “sii qoto dheeraynta xidhiidhka Israel iyo Imaaraadka, gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha iyo gobolka,” ayaa lagu yidhi bayaanka.
“Tani waa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo ra’iisul wasaaraha Israa’iil ku tago Imaaraadka,” ayay raacisay.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Imaaraadka. Labada dal ayaa sanadkii hore si rasmi ah xidhiidha u sameystay, kaasoo qeyb ka ahaa heshiis uu Mareykanka gadh-wadeen ka ahaa oo loo bixiyay Abraham Accords.

Heshiisku waxa uu horseeday heshiisyo badan oo u dhexeeya dalxiiska iyo ganacsiga iyo farsamada casriga ah.

Berberanewa.com
Info@berberanewa.com