Xildhibaan Cali Qaran: Nin daad qaaday xunbo cuskay

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa ‘Hal diiddani geed ay ku xoqato ma weydo!’ Immimka waxa sidaa ka dhigan Xoghayaha xisbiga WADDANI iyo kooxdiisa oo is leh xeer dhaqangal ah difaac.
Xoghayaha WADDANI ha loo akhriyo Dastuurka qodobka 75aad, qodobka 77 farqaddiisa 5aad iyo qodobka 78aad farqaddiisa 3aad. Sidoo kale hala tuso xeer hoosaadka golaha qodobkiisa 34aad farqaddiisa 18aad.

Ciqaab iyo cadho ka dhalanaysaa ma jirto, wax dastuur jabin ah oo ka ratibmaysaana ma jirtee, ku abshira ururradii waa furan yihiin, qarankana loo afduubi maayo koox yar. Qof kastoo muwaaddin ah dastuurku xaq buu u siiyey in uu siyaasadda dalka ka qayb noqdo, tanna waa fursaddii muwaaddinku ku furan lahaa ururro asxaab qaran noqda.

Waxaan leeyey nin daad qaaday xunbo cuskay.

Waxa qoray Xildhibaan Cali Qaran