Midowga Musharraxiinta Somalia oo markale dalbaday in la hakiyo doorashada socota

MOGADISHU—(Berberanews)-Golaha Midowga Musharraxiinta madaxweynaha ee dalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen maanta markale soo jeediyay in la hakiyo doorashada socota ee Golaha Shacabka, iyaga oo sidoo kalena caddeeyey in aanay aqbali doonin waxa ay ugu yeedh4en ‘boob qaawan.’
“Goluhu wuxuu 30-kii November 2021 u caddeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo beeshaa Caalamka aanay qeyb ka aheyn, aqbaleyna boobka qaawan ee doorashada Golaha Shacabka ay ku bilaabantay. Golaha waxaa u socda wadatashiyo ku aaddan sida ugu habboon ee looga hortagi karo boobka lagu hayo doorashada,” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Golaha Midowga Musharraxiintaa oo intaas ku daray;
“Goluhu wuxuu kala xulanayaa hadba tallaabada ku babboon ee dalka lagaga samatabixin karo xaaladda adag ee uu marayo. Goluhu wuxuu mudnaata siinayaa in la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado,” ayey ku yidhaahdeen bayaan ay caawa soo saareen.

Berberanews.com
Info@berberanewa.com