Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay Taliyaha Sirdoonka dalka Uganda

Washington —(Berberanews)-Dawladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogay Taliyaha Sirdoonka Ciidammada Uganda Sarreeye Gaas Abel Kandiho, kaas oo lagu eedeeyey xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanka, kuwaas oo ay geysteen ciidankiisu, isaguna uu ogaa jiritaanka xabgudubyadan Salaasadii shalay.

Millatariga Uganda ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin go’aankaas, ayna ka dalbanayaan in ay caddeeyaan xukuumadda Washington, oo sannadihii u dambeeyey ay Kampala la aheyd xulufo dhinaca amniga ee la dagaallanka xagjiriinta Bariga Africa.
Waaxda Maaliyadda ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyntan, iyada oo ay barbar socoto tallaabooyinka kale ee ka dhanka ah saraakiisha Iran iyo Suuriya oo ay sheegtay inay iyaguna ku lug leeyihiin cabudhinta iyo wiiqidda dimuqraadiyadda dalalkaas.
Waaxda Maaliyadda Mareykanka, ayaa soo rogaysa cunaqabatayn is daba joog ah toddobaadkan ka hor bilowga shirwaynaha Maraykanka ee Dimuqraadiyadda ee Madaxweyne Joe Biden, kaas oo lagu beegsanayo dadka ay u aragto inay ku hawlan yihiin musuqmaasuqa, xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo kuwa wiiqaya dimuqraadiyadda.
“Saraakiisha sirdoonka millatarigu waxay xidheen, oo ay jidhdil u geysteen dadka reer Uganda, sababo la xidhiidha jinsiyadooda, aragtidooda siyaasadeed, ama dhaleecayn ay u jeediyeen dawladda Uganda, xaaladaha qaarna, Kandiho shaqsi ahaan ayuu ugu lug lahaa, isaga oo hoggaaminayey su’aalo la weydiinayey shaqsiyaadka la xidhay,” ayaa lagu yidhi bayaanka.
Cunaqabateyntan Mareykanka ayaa xayiraysa hantida Genral Kandiho, waxayna guud ahaan ka mamnuucday dadka Maraykanka ah inay la macaamilaan.
Bayaan ka soo baxay millatariga Uganda ayaa lagu sheega inay ka xun yihiin tallaabada Mareykanka.
“Waan ka xunnahay in go’aankan oo kale uu qaato dal aan u aragno saaxiib iyo isbaheysi weyn, iyadoo aan loo marin habraac caddaaladeed,” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay ciidammada Uganda.
Reuters.

Berberanèws.com