Fadhigii Dhegaysiga dacwadda Daallo Airlines iyo masuul ka tirsan xisbiga WADDANI

Hargeysa-(Berberanews)-Maxkamadda Hargeysa, ayaa saaka bilowday dhegaysiga dacwad u dhaxaysa Shirkadda Daallo iyo Xamse Khayrre oo ka tirsan masuulliyiinta Xisbiga Waddani.

Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska Xisbiga Waddani, ayaa isagu ka hadlay qaabkii ay maanta u dhacday dhegaysiga dawcadda ay dhibanaha ka tahay Shirkadda Daallo.

“Waxaa saaka qabsoomay fadhigii dacwaddii Shirkadda daallo iyo Xisbiga Waddani, gaar ahaan Xafiiska Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska oo aan anigu metelayay. Dacwadda ayaa ka dhalatay shir jaraaid (guji lingaxa dhamaadka qoraalka yaal) oo aan ugu jawaabayay mareeyahay duulimaadyadda Maddaniga iyo jadwalkii uu soo saaray badhtamihii Oktoobar. Dacwaddaas oo aanu is-hortaag ku samaynay waxaa go’aan ka soo saari doonta maxkamadda.

Waxaa igala soo qaybgalay Masuuliyiintii ugu saraysay Xisbiga oo ay u horeeyaan GudXigeen Marwo Milgo, GudXigeenka Mudane Xamarje, Xoghayaha Xanaanadda Xoolaha Dr. Axmed Shukri, Xoghayaha Amniga Mudane Ibraahim Boos ,Xoghaye Xigeenada Crashiid Geelle, Marwo Filsan iyo Ilkacase, iyo Gobolka Maroodi-jeex oo ay Marwo Ifraax Xiis nagala joogtay. Xisbiyahanadda kale oo badnaa oo aanan halkan ku soo koobi karayn balse aan ka carabaabayo Garyaqaan Idiris, Garyaqaan Sakariye, Maxamed Cumar (arsenal), Caalin Jamaal Caalin, Mursal Maxamed Odowaa, iyo Khaalid Axmed Cumar ayaan iyagana u mahadcelinayaa..

Waxaa kale oo aan u mahad-celinayaa Garyaqaankayga igu metelaya dacwadda Xuseen Shabeel, Abwaan Abees, Tifaftiraha Wargeyska Foore Garyaqaan Cabdirashiid.

Allaa Mahadleh,
Xamse C. Khayre
Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska

Lingax: Shirka jaraaid ee dacwaddu ka dhalatay. Halkan Guji.
https://www.facebook.com/faysalfifaadan/videos/594030448387304/