Abiy Axmed oo ku laabtay Addis Ababa, kana hadlay dagaalka Itoobiya

Addis Ababa -(Berberanews)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mr Axmed, ayaa dib ugu laabtay xafiiskiisa Addis Ababa, kadib in muddo ah oo uu ku maqnaa jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah fallaagada TPLF, sida uu baahiyey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha maanta.
“Waxaan dib ugu laabanayaa xafiiska xilli aan si guul ah ugu soo afjarnay wejiga koowaad ee dagaalka,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha.
Arrintani ayaa imaneysa xilli ciidammada Itoobiya ay magaalooyin muhiim ah ka qabsadeen TPLF.
Halka fallaagada ay sheegtay in xeelad dagaal darteed ay uga baxeen magaalooyinka ay dib u qabsatay dawladda.

Berberanews.com
Info@berberanews.com