Puntland oo ka soo horjeestay mulkiyadda saanadda ciidanka PSF oo loo xukumay shaqsi

Puntland-(Berberanews)-Maamul Goboleedka Puntland, ayaa si cad uga soo horjeestay in Mulkiyadda saanadda ciidanka PSF uu yeeshi shakhsi gaar ahi.

Go’aanka Puntland, ayaa ka danbeeyay qodobo nabadeed oo ay soo saareen isimo ergo ah oo waan waan ka dhexwaday dowladda iyo Taliyihii Ciidanka PSF, kuwaasoo ay ka mid ahayr in agabka ciidanka, gaadiidka iyo hantidaba loo diiwaangeliyo lahaanshaheeda Taliyihii xilka laga qaaaday.

Qodobadda go’aamada xiisadda Boosaaso

1: Isimada ayaa go’aamiyay in la dhaqan galiyo go’aankii xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimihii PSF Janaraal Maxamuud Cusmaan Cabdillaahi, isla markana xilka lagu wareejiyo agaasimaha cusub ee uu madaxweyne Deni soo magacaabay.

2: Isimada Puntland ayaa sidoo kale waxay go’aamiyeen in agaasimihii hore ee PSF la siiyo hubka, gaadiidka iyo guryaha saldhigga u ah ciiddnka PSF.

3: Waxay dhanka kale isimada guddoomiyeen in xukuumadda Puntland ay bixiso xuquuqdii ciidammada PSF ka maqneyd muddo 13 bilood ah.

4: Isimada ayaa guddoomiyay in kharashaadka ku baxaya ilaalada gaarka ah Janaraal Maxamuud Cusmaan Cabdillaahi ay dawladda Puntland bixiso.

Halkan ka akhriso go’aanka Puntland.