Cabdi Xaashi oo dalbaday in la joojiyo doorashada 16 kursi oo Gobollada Woqooyi ah

Muqdisho -(Berberanews)-War qoraal ah oo ka soo baxay guddoonka sare ee doorashada waxa loogu yeedho Gobollada Woqooyi caawa, gaar ahaan garabka Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in la hakiyay doorashada 16 kursi oo ay hore u shaaciyeen guddiga doorashada gobollada Woqooyi.
Qoraalka lagu hakiyey doorashada 16-ka kursi waxa ku saxeexnaa guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxana lagu sheegay sababta loo hakiyey kuraastaas xaqiijinta habsami u socodka iyo sugnaanta doorasho ku dhacda si xor iyo xalaal ah, isla markaana waafaqsan habraacyadii doorashada ee hore loogu heshiiyey.
“Waxa lagu wargelinayaa guddiyada hirgalinta doorashooyinka heer Fedaraal iyo guddiga hirgalinta doorashooyinka gobollada Waqooyi in la hakiyey gebi ahaanba faafinta kuraasta 16-ka ah, inta go’aan laga gaadhayo, lana xaqiijinayo qoondada haweenka iyo hufnaanta doorashada,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay garabka guddoomiye Cabdi Xaashi.

Berberanews.com
Info@berberanews.com