Somaliland: Wasiirro iyo Taliyayasha Ciidammada oo u baqoolay Sool

Laascaanood-(Berberanews)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ,Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta , Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Wasiirka Ganacsiga iyo Taliyayaasha labada Ciidan ee Qaranka iyo Booliska ayaa galabta gaadhay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka sool.

Weftigan oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ujeedada safarkoodu salka ku haysaa inay goobjoog ka ahaadaan Gogol Nabadeed  oo loo fidiyay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay Deegaanka Dhabar dalool, kana dhici doona Yagoori.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa isna ku sugan Laascaanood oo uu u tegay ka qaybgalka gogosha heshiishka nabadeed.

Shirkan nabadeed ayaa u furmi doona Beelaha  Siyaad Maxamuud, kaasi oo lagu soo afjari doono shaqaaqooyin  iyo dilal dhawaan ka dhacay deeganka dhabar Dalool ee Gobalka Sool.