Somaliland iyo Hindiya oo kala saxeexday heshiis maalgashi malaayiin dollar ku kacaya

Delhi -(Berberanews)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar ku jooga dalka Hindiya, ayaa cusbitaallada Deepam Hospitals ee ku yaala magaalada Channai ee gobolka Tamil Nadu la galay heshiis cusbitaal $100 milyan ku kacaya lagaga dhisayo Somaliland.


Muuqbaahiyaha xukuumadda Somaliland, ayaa baahiyey, in madaxweyne ku xigeenku uu heshiiska Deepam Hospitals uu maalgalinayo saxeexay.
“Maxdaxweyne ku xigeenku isagoo sii ambaqaadaya safarkiisa shaqo wuxuu heshiis maalgashi la saxeexday mid ka mid ah cusbitaallada ugu waaweyn dalka Hindiya, kuwaas oo Somaliland ka dhisi doona cusbitaal ku kacaya $100,000,000 million (100 million) oo dollar.”


“Heshiiska waxa goobjoog ka ahaa madaxda ugu sarreysa cusbitaalka, wasiirro iyo saddex bangi oo waaweyn oo ku yaal dalweynaha Hindiya.”
Md. Saylici oo ka hadlay heshiiska laba dal kala saxeexdeen sida ay qortay mareegta TDnext, ayaa xusay in sannad kasta ilaa 50,000 qof oo reer Somaliland ah ay caafimaad u tagaan waddamo kala duwan oo ka mid tahay Hindiya, isagoo sheegay in hadda kadib uu maamuli doono xafiis ganacsi oo Somaliland ku yeelan doonto dalka Hindiya.