Guddida Doorashada Somalia oo laalay laba kursi

MUQDISHO —(Berberanews)-Guddiga Dooshada heer Federaal ee FIET ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay natiijada laba kursi oo doorashadooda hore loo qabatay, iyaga oo sheegay baadhitaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in habraaca loo maray aysan waafaqsaneyn xeerarka doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Kuraastan oo kala ah HOP#154 oo ay ku guuleysay xildhibaanad Sareedo Maxamed Abdalla, kaas oo ay sheegeen in musharraxii la tartamay aanu buuxin shuruudaha doorashada iyo HOP103 oo ah kursiga uu ku fadhiyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo hadda loo doortay Mohamed Cali Xasan oo ah Wasiirka Howlaha Guud ee Koofur Galbeed.

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa hore u hakiyay doorashada kursiga Hop103, laakiin waxaa ku gacan-seyray guddiga doorashada ee maamulka Koofur Galbeed.

Bayaanka guddiga doorashada ayaa sidan u qornaa;

TXR/GHD/0062/21 Taariikh: Dec- 5, 2021

Ku: Guddiga Maamulka Doorashooyinka Koonfur Galbeed

Ku: Guddiga Maamulka Doorashooyinka Gobolada Waqooyi

Ku: Guddiga Maamulka Doorashooyinka Galmudug

Og: Madaxweynayaasha maamul goboleedyada

Og: Raysalwasaaraha DFS –

Ujeeddo: Celin kuraas aan marin habraacyada doorashada

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo tix gelinaya duruufaha iyo cabashooyinka ka yimid doorashada, kadib markii guddigu baaritaan ku sameeyey doorashada golaha shacabka ee lagu qabtay Muqdisho, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, ayna baaritaanadii ka soo baxeen kuraas aan waafaqsaneyn habraaca doorashada loo dajiyey, guddigu wuxuu go’aamiyey qodobadaan:

1. In kursiga sumadiisu tahay Hop154, habkii loo maray doorashadiisa aysan waafaqsanayn habraacyada doorashada, iyadoo murashax ka mid ah kuwii u tartamayey uusan buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020. Sidaa daraadeed natiijada kursigaas oo ka dhacday Baydhabo 29 Nofeembar 2021 waa waxba kama jiraan, doorashadiisuna dib ayaa loogu noqonayaa.

2. Kursiga uu tirsigiisu yahay Hop103, iyadoo la tix raacayo go’aanka guddiga ee ku xusan warqadda sumadeedu tahay (TXR/GHD/0056/21) soona baxday 27 Noofeembar 2021, go’aankaas oo lagu hakiyey in la qabto dorashadiisa, sidaasdarteed, marka habraaca la dhamaystiro ayaa la qabanayaa doorashadiisa.

3. Waxaa jira kuraas ay muranno ka soo noqdeen oo ka soo baxay Galmudug oo hadda ay gacanta ku hayaan guddiga xalinta khilaafaadka, iyaga ayaana go’aankooda laga sugayaa.

4. Waxaa kale oo cadaynaynaa in habraac ay soo diyaariyeen masuuliyiin ka tirsan gollaha baarlamaanka oo ka soo jeeda Soomaliland aan lagu dhaqmi karin, guddiga doorashada Soomaaliland wuxuu ku shaqaynayaa habraaca Golaha Wadatashiga Qaran, waxa keliya oo gaar u ah in ay yihiin ergo wadaag.

Haddaba waxa aanu la socodsiinaynaa cid kasta oo danaynaysa doorashada in aan guddigu aqbali doonin doorasho kasta oo baal marsan hanaanka habraaca doorashada ee lagu heshiiyay. Guddiyada doorashada ee heer federal, maamul goboleed iyo xallinta khilaafaadku waa guddiyo madax banaan, hawshoodana waxay u gdanayaan si ka madax banana fara gelin siyasadeed.

<Dhammaad>