Dawladda iyo TPLF oo ka hadlay dagaallada ka socda Itoobiya

Addis Ababa -(Berberanews)-Warbaahinta ku hadasha afka dawladda Itoobiya, ayaa markale sheegay in ciidammada dawladda dhexe oo uu hoggaaminayo Ra’iisal-wasaare Abiy ay dagaalka guulo waaweyn ka soo hoyeen maalmihii la soo dhaafay.
Guulahaas ayey ku sheegeen inay ku qabsadeen magaalooyinka Ajbaar, Tinta iyo Doba.
Xukuumadda Addis Ababa, ayaa sheegtay in maamulkii ka arriminayey goobaha TPLF laga qabsaday ay shaqooyinkooda dib uga bilaabeen degaannadaas.
Dhanka kale, warbaahinta afka fallaagada TPLF ku hadasha ayaa baahiyey in dagaalka ay kula jiraan dawladda Itoobiya ay sii wadayaan tan iyo inta ay xukunka ka tuurayaan Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed.
Sidoo kale, TPLF ayaa ku dooday waxa ay u dagaallamayan in aanay ahayn oo keliya xuquuqda Tigreega, balse ay u dagallamayan xorriyadda qoomiyadaha Itoobiya oo dhan, iyaga oo carrabka ku dhuftay qoomiyadaha Soomaalida, Oromada, Canfarta, Sidaamada iyo kuwa la midka ah.

Berberanews.com
Info@berberanews.com