Madaxweyne Biixi oo kulan la yeeshay Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan qasriga Madaxtooyada kula yeeshay madax-dhaqameed culus oo hoggaaminayo Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali maanta.


Weli ma cadda waxyaabaha lagaga wadahadlay kulankaas oo uu dalabkiisa lahaa madaxweyne Biixi.
Salaadiinta uu Madaxwaynaha Somaliland kulanka la yeeshay oo tiradoodu tahay 12 xubnood, ayaa dhammaantood ka mid ah madaxdhaqameedka beelaha Bariga Burco.

Berberanews.com
Info@berberanews.com