Kenya: Webiga Kitui oo qaaday bas macalimiin saarnaayeen

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay ka dib markii daadad ay qaadeen bas gudaha Kenya

Nayroobi:-(Berberanews)-Ugu yaraan 20 qof ayaa ku qaraqmay sabtidii markii bas ay la socdeen koox diimeedyo ay la tageen daadad, iyadoo darawalku uu isku dayay inuu ka gudbo webi ku yaalla bariga Kenya ee Kitui.

Qeybo badan oo ka mid ah dalka Bariga Afrika ayaa waxaa ka da’ay roobab aan caadi ahayn todobaadkii la soo dhaafay.

Ugu yaraan 17 qof ayaa la soo badbaadiyay ka dib markii baska uu qaaday wabiga Enziu, gudoomiyaha gobolka Charity Ngilu ayaa sheegtay. “Masiibo ayaa galabta ka dhacday degmada Kitui,” ayay ku soo qortay barteeda Twitter-ka, iyadoo intaas ku dartay in howlaha samata bixinta ay wadaan shaqaale ka tirsan Laanqeyrta Cas ee Kenya iyo hay’adaha ammaanka.

Muuqaalo laga sii daayay Telefishinka Qaranka ee Citizen ayaa muujinayay bas huruud ah, oo ay ku dheggan yihiin calaamad muujinaysa in uu ka tirsan yahay macalimiin deegaanka ah, oo sii gelaya webiga, iyadoo dad badan oo deegaanka ah ay eegayeen.

baska ayaa markaa la arkayaa isagoo ku sii quusaya biyaha dhexdooda, taasoo baroor diiq  ku abuurtay dadkii daawanayay.

Berberanews.com
Info@berberanews.com